Shirkii Jaare ee dhicisoobay

Maxaa isku keenay shirka dhaqanka, & taageerida dawlada?

Kuwii lugaha lahaaba kala Badinee maxaa ku Lulaaya laangadhe, Maxaa ina Haayir dhibaya, ma xaajiyada ayaa lagaa qaadibuu isleeyahay, mise Jaanisbuu ka dhexraadinayaa umada naftoodii loogu yimiday ee xaqeeda raadsanaysa? Ma wuxuu markuu madaxwayne ku xigeenka ahaa uuna qabin ayuu maanta rabaa inuu qabto, mase qaban karaa?

Aadan gaas ayaa celeemo saaray oo u doortay inuu namatalo? Ma C/walibaase noo doori kara odayga namatalaya?

Shir Abokor buu ahaaye oon xataa Makayldheeraba udhanayne, muxuu C/wali ka doonay?

C/risaaq Abaadirse nin wanaagsan buu ahaaye, Ma qandaraaskii halkaa lagalay?

Maxaa isku xidhay adeegyada aas aasiga ah ee bulshadu xaqa uleedahay iyo taageerida dawlada?

Ma cid dawlada ka soo horjeeday baa jirta maxaa keenay xiligan in boodhadh dawlada lagu taageero lala tago Jaare?

Ugaas ka Gadabuursise miyuuna xaq ulahayn inuu dhibta shacabkiisa ka hadlo?

Dawladuse Ma ka saari kartaa oo ma badali kartaa ugaaska? oo ma keeni kartaa ugaas iyaga xaqdarada ku taageera?

Su’aalahaas oodhan jawaabtooda waxaan udhaafayaa shacabka, lakiin waxaad ogaataan:-

Mowliid Haayir inuu dawlada u danyahay ee uuna dadka udan ahayn,

Kuwa isle odaynimo Aan shacabka dhexdiisa ka Iman oon laga soo dhex dooran ku qadhaabta inayna ka soconayn, dadkani way yaqaanaan odayaashooda, waxaan leeyihiin odayaal soo jireena oo dadkoodu ku dhex jira oon waligeed waxba ku doonin waxaana ugu horeeya Isaaq carab iyo Cabdi wacays iyo kuwa badan oon magacooda halkan kusoo Karin ee la iskama sheegan karo waxaanad ahayn

Kuwa isle qandaraasbaa ku helaysaana waxaan leenahay arsaaqada ilaahaybaa bixiya ee bulshadu adeegay xaqa ulahayd ha uga dhigina waxaad usoo rideen, xaq kale oo badanbaa ka maqan hadaad wax usoo ridaysaane,

Madaxwayne Mustafe waxaan leenahay aaway Soomaalinimaa  na deeqdadii soowdiga intaad Gadabauursi kala qaybisay ood Makayldheere sii dhaaftay Abokor iyo Ugaas ukala qabinaya, masidaasbaa taageero lagu raadiyaa, masidaasaa ugaas lagu soo xero galiyaa, ugu danbayn madaxwayne waxaad ogaataa ugaasku doorasho maaha ee waxaad dooran kartaa sidaad ula dhaqmayso, umadana xaqeeda way ku waydiin ilaa intaad meesha joogto, haday kaa waayaana siday ku heli karaanba way samayn.

Wabilaahi toowfiiq

Xasan Suxufi