Gobolka Axmaarada waxaa ka dhacay isu soobax aad u weyn kaasi oo loogu baroor diiqayey Sargaalkii isku dayey afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay magaalada madaxda gobolka Axmaarada ee Bahardhaar .

Jeneraal Asaminew oo lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey af-gambigii ka dhacay gobolka axaarada ayay ciidamada Ethiopia ku dileen dagaal xoogan oo ku dhexmaray tuulada Zanzal ee kutaala jidka udhexeeya Bahirdar iyo Gondar.

Xukuumada Abiy Axmed ayaa awoodi wayday inay joojiso kumanaanka ruux ee isugu soo baxay aaska  Jeneraal Asaminew oo lagu eedeeyey afgambi.