Sida la xaqiijinayo waxa tuulo ku dhaw Ceel afweyn  oo ka tirsan gobolka Sanaag weerar gaadmo ah lagu laayay duqey birimagaydo ah oo ka tirsan beelihii deegaankaasi ee dhawaan nabada

la dhexdhigay.Tuulada Karamaan  ayaa la sheegay in ciidamo tikniko ah oo ay leedahay beesha Baciido/Habarjeclo ay gashay

isla markaana rasaas ooda looga qaaday dad waayeel iyo dhalinyaro ah oo goob ku sugnaa,waxaana halkaasi lagu dilay tirada

imika la xaqiijiyay 9 qof oo kasoo wada jeeda beesha Sacad Yoonis/Habaryoonis.

Goobjooge deegaankaasi kusugan ayaa  noo xaqiijiyay magacyada odayaal waxgarad ah oo qayb ka ahaa nabadii

laga dhexdhaliyay beelaha walaalaha ee aan sinaba u kala tagi karin ee kuwada nool deegaankaasi.

1/Axmad Cabdille Qoorsheed (Badmaceeye)

2/Xiiray Barre Hirad

3/Cabdulqaadir Cabdulaahi Mire

Odayaashani oo caan ka ahaa deegaankaasi isla markaana ahaa miidii beeshaasi ayaa maanta ay qaadatay xabadu,waxaana

sidoo kale la xaqiijiyay tirada 6kale oo beeshaasi Sacad Yoonis ka tirsan.

Waxgaradka deegaankaasi oo ka hadlay dhimashada iyo weerarka maanta dhacay ayaa ku eedeeyay inay soo abaabushay xukuumada

Muuse Biixi iyo Maxamad Kaahin maamulaan waxayna sheegeen in lagu fashilinayo shirka beelaha Habarjeclo Iyo Habaryoonis

u balansan yihiin,dagaalkaasina ay marwalba iyagu ka dambeeyaan.Lama cadayn khasaaraha Beesha Biciido kasoo gaadhay dagaalkaasi.

Lama oga sida xukuumada Muuse Biixi uga jawaabi doonto dhagartaasi lagu eedaynayo inay ku fashilinayso shirka beelahaasi

walaalaha ahi u balansan yihiin dhamaadka bishani.