Madaxwayne Biixi oo Kursigii Madaxtooyadda
Somaliland Ku Soo Baxay Waxba Mayaqaan

Wax ma yaqaan
Wax yaqaan laga dhigaa
Wax ma yaqaanoo
Wax ma yaqaan buu ku soo baxaa

Wax ma yaqaan
Wax yaqaan laga dhigaa
Wax ma yaqaanoo
Wax loo dirtay hagaajin waa

Alle Ha u naxariisto e’ Abwaan: Yuusuf Aadan Xuseen (Allaale)

Muddo hadda laga joogo 25 sano waxa su’aal aad muhiim u ah waydiiyay Muuse
biixi wargayska Codka Hargyasa ama Xoriyo mid kood oo ahaa wargaysyadii ugu
horeeyay ee lagu asaasay warbaahinta daabacan ee somalilnad ee la kawsaday
curashadii jamhuuriyada Somaliland. Su’aalshaas oo ahayd Muuse Biixi ma
milatari baa mise waa siyaasi? Muuse su’alshaa waxa uu kaga falceliyay dareen
cadho iyo handaadaad uu u handaday wariyihii su’aalsha ku ganay oon filayo inuu
ahaa Wayab. Waxa uu muuse ku jawaabay su’aal kale oo ah maxaan kaga
duwanahay George Washington iyo Jamaal Cabdinaasir oo labaduba milatari iyo
siyaasiyiin soo noqday? Laakiin muuse ayaa si ficil ah uga jawaabay suaalshan
rubuc qarni ka dib.

Haddaba waxaan maqaalkan si gooniya diiradda ugu saari doonaa bal ka uu
noqday 25 sanno ka dib isagoo xilligaa uu Weriyuhu su’aasha waydiiyay u
laqimayay inuu yahay labadaba sidaa George Washington iyo Jamaal
Cabdi-naasir oo labada jagaba wada qabtay iyadoo uu isna ka mid yahay uun
kuwaa soo maray Adduunka ee labada darajaba isku hantiyay. Taasi waxa ay been
cad noqotay rubuc qarni ka dib oo Muuse Biixi uu Ummadda Somaliland tusay
karti daridiisa Siyaasadeed iyadoo iminka oo aan qorayo Maqaalkan Maati iyo
Carruur ka soo jeedda Qoyska reer Maxamed
Xasan Dalab uu cagta mariyay hoy ay ku lahaayeen duleedka Hargaysa oo sida uu
innoo sheegayo uu ka yagleeli doono madaxtooyo cusub oo qaranku yeesho isagoo

tii hore ee Somaliland lahayd ee uu ka dhaxlay madaxwaynayaashii isaga ka
horeeyayba waxba ku noqon waayay oo wixii ka soo fulaan ay noqdeen Wargayso
la xidho sidii Foore oo Faallo ka qoray isla arrinkaa iyo cagajuglayn uu ku hayo
Shacabkii doortay.

Heesta aan ka soo dheegtay tuducyada kor ku xusan waxaa lahaa oo curiyay Alla
ha u naxariisto e
Yuusuf Aadan Xuseen (Allaale) oo ka mid ahaa Hobaladdii caan baxay ee
Waaberi. Yuusuf waxa uu lahaa heeso badan oo tawriya, kuwo Jacayl ah iyo
ruwaayado ay ka mid ahaayeen; Gar Cadaawe iyo Caashaq, Cilmi iyo Caaddo,
Bad Dhiig ah iyo Beer kalgacal iyo kuwo kale iyadoo aan si gooniya u xushay
heestiisii (Wax ma yaqaan) kaasi oo uu u tirayay nin ka mid ahaa kuwii is biday
qabiil ee qaranimaddii meel iskaga tiiriyay ee xukuumaddii Siyaad Barre oo
iskuhalayn  waxa uu doono u fali jiray kaasi oo maalin maalmaha ka mida ku soo
dhex dhacay muran ka dhex taagnaa hoballaddii Waaberi intoodii ka qayb
qaadatay filimkii laga matalay ruwaayaddii Cilmi iyo Caado.
Waxa jirtay hab loo qaybsan jiray dakhliga ka soo xarooda riwaayadaha la dhigo
habkaas oo ahaa in si siman loo qaybsado oo qof walba oo ka qayb qaatay
riwayaadda ha ahaado muushishan, majaajilayste ama hesaa in la siiyo qayb la mid
ah ka kale. Habka waxa jidaysay kooxdii Walaalaha Hargysa. Lakiin riwayaadii
Cilmi iyo Caado film ayaa laga matalay markaa yuusuf iyo hobaladii Waabari ee la
dhigay riwaayadu waxay isku qabteen habka loo qaybsanayo. Sidii hore ayaa loo
qaybsanayaa iyo mayee tani waa film dhan ee riwaayad maaha ee loo ma
qaybsanayo ayaa lagu murmay.
Abwaan Yuusuf iyo kooxda intooddii kale oo arrinkii falanqaynaya ayaa uu nin ka
tirsanaa Ardaaga Maxamed Siyaad Barre ugu yimi tiyaatarkii Xamar, isagoo ku
jeedsaday Yuusuf kuna  taliyay si aan sax ahayn taasi oo ka cadhaysiisay Yuusuf
oo talada go’aankeeda lahaa bacdamaa riwaayaddiisa laga matalay filimka oo
ninkani aanu taladeeda shaqo ku lahayn marka laga reebo madaxtaaga qabiil ee uu
awooda ku sheeganayo halkaa waxa ka dhalatay heestaa wax ma yaqaan oo ay ku
luuqeeyeen kooxddii Danan ee ururka dhalinyaradda laxankana uu ku qaabeeyay
mulaxmiiste macallin Xasan Giraydh. Hadaba maanta oo ay muddo ka soo
wareegtay waxa la odhan karaa waa ay nooshay oo kaa iyo kuwii uu u tirayay Alle
ha u naxariisto Yuusuf Aadan Xuseen heestaa weli waa ay joogaan waliba waxa ay
u halabsadeen si uun kursiga ugu sareeya Qaranimadda Somaliland iyadoo aan la
mahadin goor kasta iyo goob kasta kuwa noocaas ah.

Aan ku soo Af-meero Maqaalkii mudo 25 sanno ka dib waxa uu Muuse Biixi
Cabdi uga jawaabay si toosa su’aalshaa Codka Hargaysa ama Xorriyo midkood
waydiiyeen ka uu yahay siyaasi ama milatari? Mudo ka yar laba sanno waxa

cadaatay inuu ku jahawareeray kursigii madaxwaynenimadda Somaliland oo aanuu
lahayn hal wiqiyad karti siyaasadeed oo uu ku maareeyo hawlihii kula soo darsay
oo ay ka anfariireen Shacabka Somaliland taaso oo cadayn u ah ka aad tahay.
Waxaan ku leenahay waxaad tahay milatari macangag ah oo aan marayn karin inta
ugu yar ee qof caadiya maarayn karo haddii aad cadaynteeda u baahatona waa  sida
aad u dhex dabaalatay arrinka Axmed Cismaan Geelle, xidhitaanka Foore oo
dhaliilay Madaxtooyadda aad Maatidda ku wadhay, gabadanadda reer Maxamed
Xasan Dalab, xatooyaddii Guri-Barwaaqo iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga
Xawaar iyo in kale oo badan taasi oo ay dadku hoos kuu leeyihiin waxaad kursigii
Madaxwaynanimadda Somaliland ee laguu cumaamaday ku soo baxaday
Wax ma yaqaan
Wax yaqaan laga dhigaa
Wax ma yaqaanoo
Wax ma yaqaan buu ku soo baxaa

Wax ma yaqaan
Wax yaqaan laga dhigaa
Wax ma yaqaanoo
Wax loo dirtay hagaajin waa

Tolow intuu la gaadhi Muuse wax ma yaqaan Somaliland saddexda sanno ee u
hadhahay, allaw yaanu dumin wax ma yaqaane.

Qore: Cabdi Muxumed
Cabdimuhumed60@gmail.com