Addisababa(Codkaharawo)- Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa si deg deg ah u magacaabay taliyaha ciidamada difaaca dalkaasi ,kadib markii isbuuc kahor la dilay taliyihii hore ee ciidamadaasi jeneraal Seare Mekonnen.

Abiy Axmed ayaa u magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada Itoobiya Jeneraal Adem Mohammed oo horey u ahaa taliyihii ciidamada nabad sugida Itoobiya , taliyahan cusub ayaana kasoo jeeda qowmiyada Amxaarada.

Waxa uu sidoo kale Ra’isul Wasaare Abiy Axmed taliyaha cusub ee ciidamada nabad sugida Itoobiya u magacaabay Demelash Gebremichael, taliyahan ayaa isna kasoo jeeda qowmiyada Oromada.

Afgembigii fashilmay ee sabtidii hore ka dhacay ismaamulka Amxaarada dalka Itoobiya ayaa lagu dilay Madaxweynihii maamulkaasi, waxa uu sidoo kale afgembigaasi uu galaaftay nolosha taliyihii ciidamada Itoobiya iyo saraakiil kale.