Washington(Codkaharawo)-  Dowlada Maraykanka ayaa markii ugu horaysay waxa ay ka hadashay afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay gobolka Axmaarada ee dalka Ethiopia kaasi oo galaaftay nolosha saraakiil muhiim ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arimaha dibadda Ee dalka maraykanka  Ayaa sheegey In Ay ubadantahay in kooxihii hore ay ka danbeeyeen falkii afgambiga ahaa ee ka dhacay caasimada gobolka Axmaarada ee Bahardaar iyo caasimada dalka Ethiopia Addis Ababa .
Masuulkan u haldlay dowlada Maraykanka ayaa raaciyay In uusan weli wada helin xog dhamaystiran bal saadaalintu ay tahay  In falkan ay fuliyeen kooxo kasoo horjeeda isbadalka ka dhacay Ethiopia inkasta oo uusan si gaar ah u magacaabin shakhsiyaad.