Addisababa (Codkaharawo)- War deg deg ah oo hadda nagasoo gaadhay magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia ayaa sheegaya in Xeer ilaaliyihii guud ee deegaanka axmaarada ahaana xubin gudi fulin oo kamida xisbiga Dimuqraadiga Axmaarada (ADP) Migbaru Kebede uu kugeeriyooday Cubitaalka Libaaxa madaw (Black lion) ee magaalada Addis Ababa.

Migbaru Kebede ayaa kamid ahaa madaxdii deegaanka axmaarada ee kudhaawacmay weerarkii afgambiga ahaa ee sabtidii kadhacay xarunta madaxtooyada ee magaalada Bahirdar.

Migbaru Kebede wuxuu kamid ahaa saraakiisha ugu saraysa ee xisbiga ADP awooda kuyeeshay kadib isbadalkii wadanka kadhacay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in wali qaybo kamid ah gobolka axmaarada ay isku baacsanayaan ciidamadii sameeyey afgambiga iyo ciidanka qaranka Ethiopia.