War deg deg ah oo hadda soo gaadhay warbaahinta Codkaharawo ayaa sheegaya in Janaraal Asaminew Tsige ayaa kamid ahaa saraakiishi militariga aheyd ee hogaaminaysey afgambigii dhicisoobay ee deegaanka axmaarada hadda lagu dilay tuulada Zanzal ee kutaala jidka udhexeeya Bahirdar iyo Gondar xili uu dagaal toos ah kula jiray ciidamada Huwanta ah ee deegaanka iyo kuwa federaalka.

Hoggaamiyahan oo ahaa hoggaamiye mayal adag ayaa muddo 9 sanno ah u xirnaa xukuumada Tigreega ee xilka laga tuuray, waxaana xilliggaas lagu eedeeyay inuu qorsheynayay afgembi ka dhan ah dowladdii Malez Zanawi..