Magaalada Adis Ababa waxaa maanta galinkii dambe laga qaaday maydka Labadii sarkaal Ee tigreega ahaa Ee Addis Ababa lagu diley iyadoo maydkooda loo qaaday deegaanka tigreega halkaas oo lagu aasi doono. Maamulka iyo shacabka tigreega ah ayaa si balaadhan isugu soo baxay garooka diyaaradaha halkaasi oo ay soo caga dhigatay diyaaradii waday maydka.