Jawiga Magaalada Borama Ee Uu Diyaargalawga Ciidal Fidrida.


BOORAMA (Codkaharawo)- Dhaqanka Ganacsata Somalida Ee Dunida Qariibka Ku ah. Gananacsatada Soomaalida waxa dhaqan u ah inay alaabada sida dharka, kabaha, agabka ciyaarta caruurta iwm ee dadku u baahanyahay ciidaha ay qiimaha laban laabaan maalmaha barakaysan ee ciidaha, halka dunida ilbaxa ah bulshada loo jabiyo alaabaha maalmaha ciidahooga, si qof walba uu u farxo una iibsado waxa baahidiisa ah. Ganacsiga dunida kale maalmaha ciidahooda shay kasta oo qaali kugu ahaa maalmihii caadiga ahaa qiimo dhimis kala badh ama ku dhaw ayaa lagu sameeyaa. Maaha dharka iyo kabaha oo kali ah xataa alaabada Electronic-ga ah sida: Tv-yada, Computerada iyo Alaabaha kale ee Electronic ah ee caruuruhu ku isticmaalaan guryaha.

Gabi ahaanba SOOMAALIDU iyagoo muslim ah waxay u dhaqmaan taa cagsigeeda, uma naxaan dadka baahan iyo bulshada ay ka macaashaan ee shaqo la’aantu hayso. Waxa laga yaabaa in mar uun maamulada Soomalida ama Xukuumadu hab-dhaqankan qallafsan ee ganacsata Soomaalida wax ka qaban doonto.